Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ku soo dhaweeyay xubno uu horkacayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Wafdiga Madaxweynaha ayaa intaasi ka dib loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed, oo aan sidaasi uga fogayn Garoonka Shaati-gaduud.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa dadaal ugu jira, bal inuu xal u helo tabashada Koonfur Galbeed ka tirsaneyso dhanka Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, iyadoona Koonfur Galbeed ay aad uga biyo diidan tahay kuraasta la sheegay in doorashadooda dib loogu noqon doono.
Khilaafka labada dhinac oo maalmihii ugu dambeysay aad u soo xoogeysanayay ayaa imaanaya, xilli 14-ka bishan lagu wado in la dhaariyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaal, iyada oo Koonfur Galbeed-na ay sheegeyso inaanan Xildhibaanadeeda la dhaarin doonin, illaa iyo inta laga fasaxayo kuraastaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com