Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ka barbar hadlayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo si wadajira ay shir jaraa’id ugu qabteen Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ayaa sheegay inay ugu socdaan xal u helidda tabashada ay reer Koonfur Galbeed ka qabaan dhanka arrimaha doorashooyinka.
“Mudane Madaxweyne iyo dhammaan shacabka Koonfur Galbeedba ujeedada safarkayna waxay ahayd inaan idin la wadaagno xalkeeda iyo xuleesheeda inaan idiin kala qayb qaadano oo ka qaybgalno tabashadii Koonfur Galbeed ka qabtay arrimihii doorashooyinka, heerka geba-gabada ah marayo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabnaa marka hore wax walba, waxay le’eg yihiinba oo reer Koonfur Galbeed ay tabteen inaan ku niraahno reer Koonfur Galbeed, guud ahaanba raali ka ahaada.”
Waxa kaloo uu yiri “Waxaan leenahay wax kasta oo wixii saxda ahaa ahayn oo tabashadaasi ay ku saleysan tahay waa la xalinayaa, Insha’Allah, xalkeedaana u soconaa. Anagoo la kaashanayna Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, shacabka reer Koonfur Galbeed, waxgaradka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed.”
Madaxweyne Qoorqoor ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay inuu mar kasta u taagnaa inuu raadiyo xalka, khilaaf kasta oo la soo gudboonaada doorashada, intii ay socotay, maantana uu ka filaayo inay doorashada si wanaagsan ugu soo idlaato.
“Maantay meesha aan joogno heer waxaan joognaa geba-gabo ay doorashadii tahay oo guul inay noogu dhammaato ay tahay. Ma jirto Dowlad Goboleed laga socon karaa ma jirto, reer Soomaaliyeed oo laga socon karaana ma jiro.” Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.
Qoorqoor ayaa intaasi ku daray “Doorasho wax la isku darsaday, wada ogol lagu keenay, tanaasul iyo walaalnimo ku timid baa meeshaasi wax ku yimaadeen, taaseena ku soconeysaa Insha’Allah. Anaguna xalkeedii iyo xuleesheedii idinkugu soconay, si guud iyo Soomaalinimana way noo khusaysaa, si gaara saaxiibtinimo iyo sida Soomaalida isu taqaanana way noo khusaysaa.”
Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Baydhabo ayaa caawa ku hooyanaya magaaladaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com