Midowga Afrika oo ka horyimid go’aanka lagu eryay Francisco Madeira

Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa qoraal lagu shaaciyay Twitter-ka rasmiga ah ee Midowga Afrika waxa uu walaac kaga muujiyay go’aankii uu dhawaan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ka soo saaray “maqaamka” Wakiilka Midowga Afrika ee dalka, Danjire Francisco Madeira.

Qoraalka ayaa dhanka kale lagu soo dhoweeyay tallaabadii uu Madaxweyne Farmaajo ku hor istaagay dalabka Ra’iisal Wasaaraha, isla-markaana uu ku sheegay in Danjire Madeira uu sii wato shaqadiisa.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Gudoomiyuhu waxa uu si mahadnaq leh ku xusayaa warqadda rasmiga ah ee 7-dii April 2022, ka soo baxday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed, uuna kaga xumaaday soo saarista warsaxaafadeedka aan kor ku xusnay, iyadoo dib loo xaqiijinayo ka go’naanta Dowladda Federaalka Somaliya ee ah in ay sii waddo xiriirka wada shaqeyneyd ee kala dhaxeeya Ambassador Madeira iyo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Somaliya ee (ATMIS).”

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in uu dib u xaqiijinayo kalsoonida buuxda ee uu ku qabo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Madeira, wuxuuna ku celiyay “sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay sii wadista in qaranka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ku taageerno dadaalkeeda soo celinta nabad, amni iyo xasilooni waarta.”

Qoraal Khamiistii ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u aqoonsatay wakiilka midawga Afrika ee Soomaaliya inuu yahay shakhsi aan dalka laga rabin, waxaana qoraalka xafiiska Ra’iisal Wasaaraha kasoo baxay sidoo kale lagu sheegay in wakiilka Midowga Afrika uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa, iyada oo Ra’iisal Wasaare Rooble uu ka codsaday ururka Midowga Afrika inay dib ugu yeeraan Ambassador Francisco Madeira.

Hase ahaatee, saacada ka dib go’aanka Rooble ayaa waxaa warsaxaafadeed soo saaray Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga oo ka horyimid ceyrintii Ra’isul Wasaare Rooble ee Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, waxaana war qoraal ah oo uu soo saaray uu ku sheegay in uusan oggolaan doonin tallaabo ka dhan ah Madeira.

VOA.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com