Midowga Musharaxiinta oo taageeray go’aanka dalka looga eryay Francisco Madeira

Golaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dalka uga eryay Wakiilka Midowga Afrika, Francisco Madeira.

Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in go’aankaasi uu ahaa mid loo baahnaa, oo si ka fiirsasho leh uu Ra’iisal Wasaaruhu uga baaraandegay, si loo xaqiijiyo madaxbannaanida dalka iyo in aan la aqbali karin xagal-daacinta howlaha nabadeynta ama hurinta khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalida dhexdeeda ah.

Warsaxaafadeedka Midowga Musharaxiinta

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com