Hadalhayn badan ayaa ka dhalatay wararka sheegaya in Madaxtooyada Somaliya ay waddo abaabul ciidan, oo liddi ku ah hannaanka doorashooyinka ee dalka.
Sida ay sheegayaan siyaasiyiinta mucaaradka, Villa Somalia ayaa xuduudda Gobolka Gedo ku daabuleysa ciidamadii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea iyo kuwa kaloo Itoobiyaan ah, oo sida ay ku andacoonayaan kala qayb qaadanaya gulufka ay ku yihiin Magaalada Bu’aale, ka dibna uu yoolku yahay in ay uga soo tallaabaan dhanka Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.
Siyaasiyiinta ayaa kuu sheegaya in ujeedka ugu weyn ee Villa Somalia uu yahay in abaabulkan ciidan ay muddada ku dheereysato, xilli dalku uu ku jiro waqti doorasho, isla-markaana ay dooneyso in 12-ka April u bedesho 21-ka October oo Dowladdii Kacaanka ay curatay. 12-ka April waa maalintii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka, oo sanadkan u dabaaldegaya sanad guurada 62aad ee ka soo wareegatay aasaaskooda.
Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa dhawaan gaaray Saraakiisha Ciidamada ee ku qoyska ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaa oo la tuhunsan yahay in ay hoggaamin doonaan hawlgalka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Saraakiishan ay qayb ka yihiin kuwo kale oo wada dhaqdhaqaaq carqaladeyn kara kuraasta Golaha Shacabka ee yaala gobolkaasi.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in toddobaadkii hore ay Garoomada Diyaaradaha Garbahaarey iyo Doolow ka deggeen diyaarado hub sida, iyadoona aysan caddayn cidda hubkaasi loo siday.
Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu ku mashquulsan yahay wax aan doorasho ahayn, taasoo sida uu sheegay dalka dib ugu celineysa xilligii adkaa ee laga soo gudbay.
General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, balse aan ku aragtida ahayn Villa Somalia ayaa sheegay inaysan Madaxweynuhu u suurtageli doonin damaciisa jujuubka iyo khasabka ku dhisan, sida uu yiri.
Xafiiska Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Safaaradaha shisheeye ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa isha ku haya abaabulka ay Villa Somalia gadaal ka riixeyso ee ka jira Gobolka Gedo.
Dadka wax ku qora barraha bulshada ayaa hadalhaya waxa la filan karo inay dhici karaan maalmaha ina soo aaddan iyo qorshaha lagu eedeeyay Villa Somalia in ay damacsan tahay 12-ka April.
Villa Somalia ayaa sidii looga bartayba ka hadlin eedeymaha uga imaanaya mucaaradka iyo dareenka dadweynuhu ka qabaan abaabulka ciidan ee laga soo sheegayo xuduudda gobolkaasi la wadaago dalka Itoobiya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com