Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan muuqaalka foggaan aragga ah waxa uu la yeeshay Golaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen dhameystirka doorashooyinka dalka oo heer gebagabo ah maraya, dhaarinta Xildhibaanada iyo dhameynta arrimaha turxaan bixinta u baahan.
Qoraalka ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Midowga Musharaxiinta warbixin ka siiyay halka ay marayso howsha doorashada, u diyaargarowga munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada iyo dadaaladiisa ku aaddan xal u helista arrimaha harsan ee doorashada la xiriira.
Waxa uu Ra’iisal Wasaaruhu adkeeyay in ay ka go’an tahay in jadwalka dhaarinta Xildhibaanada loo dhaqangeliyo, sidii ay u soo saareen Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, isagoo sheegay in dhaarinta Xildhibaanadu dhici doonto 14-ka April, oo ah xilligii loo qorsheeyay.
Dhanka kale Midowga Musharaxiinta ayaa muujiyay, sida ay u garab taagan yihiin dadaalada Ra’iisal Wasaaraha ee dhameystirka doorashooyinka, waxa ayna hoosta ka xarriiqeen in uusan jirin xal aan ahayn in jadwalka doorashadu u dhaqangalo, sidii Guddigu Doorashadu u soo saaray, 14-ka bishana la dhaariyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka 11aad ee dalka, iyadoo lagu dhinac wadayo xal u helista arrimaha taagan.
Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale ku celiyay taageeradooda go’aankii XFS ay dalka kaga ceyrisay Ergaygii Midowga Afrika, Francisco Madeira oo faraha la galay arrimo ka baxsan diblomaasiyadda iyo howlihii uu u xilsaarnaa.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com