Wasiirka Amniga oo soo saaray awaamiir ka dhan ah Wakiilka Midowga Afrika

Wasiirka Amniga Somaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray awaamiir fiisaha dal ku-joogga loogala laabanayo Wakiilka Midowga Afrika ee dalka, Francisco Madeira.

Wasiirka ayaa warqadda uu soo saaray waxaa uu Hay’adda Laanta Socdaalka & Jinsiyadaha ku faray in fiisaha dal ku joogga kala laabato Wakiilka, kuna wargeliso, isla-markaana aan dib dambe loo siin karin fiisahaasi.

“Waxaan farayaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha in ay hay’addu kala laabato waraaqaha dal ku-joogga, kuna wargeliso Danjire Francisco Madeira, dib dambena looma siin karo waraaqha dal ku-galka ah. Sidoo kale waxaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka la farayaa in uu ku wargeliyo dhammaan cidda ay khuseyso in Danjire Francisco Madeira dalka la keeni karin, maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxaa la farayaa hay’adaha amniga, gaar ahaan kuwa ka hawlgala Garoonka Aadan Cadde in Danjire Francisco Madeira aanu soo geli karin dalka, maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin.”

Hay’adaha amniga, Laanta Socdaalka iyo Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde ayaa la faray inay si ku-meel-gaar ahi u xiraan Terminal-ka garoonkaasi, illaa amar dambe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com