Doorashada hal kursi oo ka dhaceysa Magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar ayaa waxaa maanta lagu wadaa inay ka qabsoomto doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

Kursiga HOP#140 ayaa ka mid ahaa saddex kursi oo jadwal doorashadooda la soo dejiyay toddobaadkii hore, waxaana horey kursigan ugu fadhiyay Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali.

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa Sabtidii shahaadada murashaxnimada guddoonsiiyay Cabdulqaadir Cosoble iyo musharax kale oo lagu magacaabo Cabdikariin Cilmi Tifow.

Jowhar oo ah deegaan doorashada 1aad ee Hirshabelle ayaa waxaa yaala toddobo kursi, oo kursigan uu ku jiro iyo kursi kale oo laga soo wareejiyay Magaalada Beledweyne.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com