Ra’iisal Wasaarihii Pakistan, Imran Khan oo xilka laga tuuray

Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa xalay xilka ka xayuubiyay Ra’iisal Wasaare Imran Khan, ka dib is mari-waa qaatay ku dhawaad afar iyo toban saacadood, oo ay ugu qaadayeen codka kalsoonida.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa lumiyay codka kalsoonida ee Baarlamaanka, ka dib toddobaadyo uu dalkaasi hareeyay is mari-waa siyaasadeed.

Afhayeenka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, Ayaz Sadiq ayaa sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ay 174 cod ka heleen, 342 xubnood oo golahaasi uu ka kooban yahay, taasoo ka badan codadkii ay u baahnaayeen inay kalsoonida ugala noqdaan Ra’iisal Wasaaraha.

Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka iyo qaar ka mid ah isbahaysigiisa ayaa ku eedeeyay Ra’iisal Wasaaraha in uu ku guuldareystay wax ka qabashada dhaqaalaha sii liicaya ee dalkaasi iyo inaanu fulin waxyaabihii uu ballanqaaday, intii uu ololaha doorashada ku guda jiray.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tallaabada uu codka kalsoonida ku waayay waxaa uu ku tilmaamay shirqool uu Mareykanka hoggaaminayay.

Ra’iisal Wasaare Khan oo 69 jir ah ayaa dalkaasi soo xukumayay, tan iyo sanadkii 2018, waxaana uu noqonaya Ra’iisal Wasaarihii ugu horeeyay ee dalkaasi ee lumiya kalsoonida Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Isniinta yeelan doono kulan ay ku soo magacabayaan Ra’iisal Wasaaraha xigga ee dalkaasi.

Hoggaamiyaha Mucaaradka, Shehbaz Sharif ayaa waxaa la sheegaya inuu qarka u saaran yahay in loo magacaabo jegada Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha xigga ee Pakistan ayaa xilka hayn doono illaa bisha October ee sanadka 2023, xilligaasi oo doorashada xigta ee dalkaasi ku muddeysan tahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com