Rooble oo Beesha Caalamka kala hadlay dhaarinta Xildhibaanada cusub

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka qaarkood, iyagoona ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isla gorfeeyeen u diyaargarowga dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa maanta shaaciyay in 200 oo Xildhibaan ay qaateen shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka.

Sida uu qorshuhu yahay 14-ka bishan ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada Labada Aqal lagu dhaariyo Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com