Rooble oo kormeeray Xarunta Guddiga Doorashooyinka ee Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta kormeeray Xarunta Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Xaruntan ayaa ku taala dhanka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo ay maalmahaanba ka socotay shahaado siinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xaruntaasi kula kulmay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka, oo ay ugu horeeeyan Gudoomiyaha Guddiga iyo Kuxigeenkiisa.

“Ra’iisal Wasaaraha XFS, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday Xarunta Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, halkaas oo uu kula kulmay guddoonka iyo howlwadeennada guddiga, oo uu uga mahadceliyay sida ay u maareeyeen howsha doorashooyinka, kuna dhiirigeliyay dhameystirka howlaha dhiman.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Rooble.

Rooble ayaa intii uu kormeerkiisan ku guda jiray waxaa uu goobjoog u noqday, iyadoo Guddiga Doorashooyinka ay shahaadada Xildhibaanimo guddoon-siinayaan Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar (Jubba), oo Golaha Shacabka ka soo galay Gobolada Waqooyi.

Xildhibaan Jubba oo kursigiisu uu yahay #HOP269 ayaa noqonayo Xildhibaankii 202-aad ee qaata shahaadada rasmiga ah ee Baarlamaanka 11aad.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com