Taliska ATMIS oo xayiraad ku soo rogay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho

Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee Somaliya (ATMIS) ayaa maanta xayiraad ku soo rogay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho. Warqad uu Taliska ATMIS u diray safaaradaha, Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo diplomaasiyiinta ku sugan Xerada Xalane ayaa lagu sheegay in Ciidanka ATMIS ay hawlgalo amni ka sameyn doonaan gudaha xeradaasi.

“Taliska ATMIS wuxuu baaritaano amni ka samayn doonnaa Xerada Xalane, laga bilaabo 10-ka illaa 16-ka bishan April. Haddaba si baaritaano amni oo aan joogsi lahayn ay u dhacaan, saldhigu wuxuu noqon doonnaa mid xayiraad la saaro, inta u dhaxeysa muddadaasi kor ku xusan.” Ayaa lagu sheegay warka ATMIS.

Xayiraadan waxaa ku jira in la joojiyay dhammaan howlaha dhismaha, ganacsiyada Soomaalida & ajaaniibta iyo weliba dhaqdhaqaaqa gudaha xeradaasi.

Tallaabada ATMIS ayaa imaaneysa, iyadoo dhawaan maleeshiyada Al Shabaab ay weerar ka gaysteen Marine Gate oo laga galo Garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay ku dileen dad ajaaniib ah.

Xerada Xalane waxaa la filayaa in 14-ka bishan lagu dhaariyo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11aad.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com