Axmed Madoobe oo ka horyimid in gorgortan ka galaan kuraasta Garbahaarey (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay caqabadda ka haysata doorashada kuraasta taala Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Garbahaarey oo ah deegaan doorashada 2aad ee Jubbaland ayaa waxaa yaala 16 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland. Kuraastan ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeysay hareeyay is mari-waa ka dhex taagnaa Villa Somalia iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay u soo jeedisay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo kala qaybsadaan kuraastaasi, taasoo sida uu sheegay aanay aqbali karin.

Madaxweynaha oo ka hadlayay kulan uu xalay Xarunta Madaxtooyada Jubbaland kula yeeshay Xildhibaanada Labada Aqal ee lagu doortay Magaalada Kismaayo ayaa yiri “War wadankan doorashaa xal u ah, wadankan doorashaa xal u ah, wadankan doorashaa xal u ah, wax kale oo xal ah oo aan doorasho ahayn ma jirto, intaan ka badan laguma sii jiri karo.”

Madaxweynaha ayaa mar kale yiri “16 kursi Jubbaland ah ayaa weli maqan, markaanu geleynay heshiiskii 17-kii September, waxaa ka horeysay Dhuusamareeb 1, 2, 3 iyo 4 oo aanan tegin. Maalintan 17-kii September saxiixayay Beesha Caalamka hadda la wada wareegaya kuraasta adiga iyo Farmaajo aan idin qaybino waxay lahaayeen waxa aad sameysaa Alla bari, war wadanka doorashuu u baahan yahay ee tanaasul samey.”

Isaga oo hadalkiisa sii wato ayaa waxa uu yiri “Waxaan ku galay heshiiskii 17-kii September markii aan saxiixayay, inta ka horeyso in Gobolka Gedo gacantayna la soo geliyo, si doorashada ay uga dhacdo.”

Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin in si hufan loogu tartamo kuraastaasi, balse aanay marnaba aqbali doonin in lagu gorgortamo.

“Waxaan diyaar u nahay in si daahfuran loogu tartamo lix iyo tobankaa kursi. Beesha Caalamka iyo cid weliba inay timaado oo laga soo wada qaybgalo, oo kursiga ugu yar haddii la doono toban qof ay ku tartanto, laakiin kursi aniga Axmed ah aan qaadanayo oo aan ku gorgortamo oo leeyahay anna Cali isii adna Cumar qaado, gebi ahaanba ma aqbalayno.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa intaasi ku daray “Waxaa intaasi wehlisa, ma doonayo kuraastaasi in doorashada ay ka hadho.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com