Ra’iisal Wasaare Rooble oo caawa waqti ku qaatay Hotel Jazeera (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa u fiidsi tagay Hotel Jazeera, oo ka mid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho ee aadka loo ilaaliyo.

Hotelkan ayay dadku xilliyada qaarkood u taggaan nasiino iyo inay waqti madadaalo ah ku qaataan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa hotelkaasi waqti kula qaatay shacab iyo masuuliyiin kale, oo halkaas ku fiidsanayay

Muuqaalo goobtaasi laga soo qaaday ayaa muujinaya Ra’iisal Wasaaraha oo gacan qaadaya dadka, isla-markaana xaal wareysanaya.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa waxaa booqashadiisan ku wehlinayay Saraakiil uu ka mid yahay Agaasimaha KMG ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com