Xildhibaanadii Qoorqoor ku wehliyay safarkiisii Baydhabo oo Muqdisho ku soo laabtay

Wafdigii Xildhibaanada ahaa ee Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ku wehlinayay safarkiisii Magaalada Baydhabo ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa Jimcihii Magaalada Baydhabo u tegay, cabashada ay Koonfur Galbeed ka keentay saddexda kursi ee natiijada doorashadooda aan la shaacin iyo sidii ay dib isugu soo dhaweyn lahaayeen Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada qaybta ka ahaa wafdigaasi ayaa sheegay inay Muqdisho ugu soo laabteen, sidii ay u sii amba qaadi lahaayeen wada hadalada labada dhinac.

Xildhibaanadan ayaa Magaalada Muqdisho kulamo kula leh Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

“Muqdisho ayaan ku soo laabanay galabta si aan u dhameystirno turxaanbixinta tabashada reer Koonfur Galbeed ee maalmahaan aan u joognay Magaalada Baydhabo. Aad ayaan ugu mahadcelinaynaa Maxweyne Cabdicasiis, Xildhibaanada iyo shacabka reer Koonfur Galbeed soo dhaweynta diiran ay noo sameeyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin xal u helidda arrimaha taagan ee la xariira dhameystirka doorashada.” Ayuu Xildhibaan Mahad Salaad ku sheegay bartiisa Facebook.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan sidoo kale u mahadcelinaynaa Ra’iiisal Wasaare Rooble iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo mar walba diyaar noola ahaa taabagelinta xalka kasta oo fure u noqon kara tabashada reer Koonfur Galbeed iyo dardargelinta arrimaha doorashooyinka.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com