Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qaybgalay Munaasabadda Xuska Sanad Guurada 62aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhamman Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada, Alifleyda, Dableyda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka.
Munaasabadan oo ay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ku soo bandhigeen dhoolatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay ayaa Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay waxa uu ka waramay muuhiimadda ay leedahay xuska 12-ka Abriil, taariikhda iyo mabaadi’da uu u aasaasan yahay Ciidankeenna geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
“Munaasabadda 12-ka Abriil waa maalin weyn oo ku suntan gobannimo iyo dowladnimo. Waa maalintii la aasaasay Ciidankeenna Geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ah astaan qarannimo iyo midnimo, oo u taagan difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo haybadda Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka warbixiyey dadaaladii Dowladda Federaalka Somaliya ay ku bixisay dib-u-dhiska ciidanka, joogtaynta xuquuqdiisa iyo soo celinta haybaddii uu lahaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhammaan laga wada qayb qaato dadaallada dib-u-dhiska ciidanka iyo xoraynta dalka.
“Markii aannu xafiiska nimi, ciidanku ma lahayn gal iyo diiwaan sugan toona, taasoo horseedday in la musuqmaasuqo xuquuqda ciidanka. Si wax looga qabto dhibaatooyinkaas, waxaannu guud ahaan Ciidanka ku samaynay tirakoob iyo diiwaangelin casri ah. Waxaanu kor u qaadnay tababarrada, qalabaynta, tayaynta iyo kordhinta tirada ciidanka. Kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa tababarro heerkoodu sarreeyo ku qaatay dalka gudihiisa iyo dibadda. Sidoo kale, waxaa kor loo qaaday miisaaniyadda ciidanka, iyada oo la kordhiyey lana jooogteeyey mushaharka Ciidanka.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xaqiijinta amniga dalka, difaaca xuduudaha dalka iyo hawlgalada ka dhanka ah argagixisada caadeysatay gumaadka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo u duceeyay dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiidday iyo kuwii u dhaawacmay difaaca dalka iyo ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed.
Munaasabadan waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiya Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka, Cali Maxamed Geeddi, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xildhibaano ka mid ah Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo madax ka socotay saaxiibada caalamka ee Somaliya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com