Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray dhismooyin cusub (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xarigga ka jaray dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qaybgalay Xuska Sanad Guurada 62aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo maanta oo kale la qabto.

“Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu sheegay qoraal caawa lagu daabacay bogga Villa Somalia.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hoggaankiisa Dhismaha ku bogaadiyay fulinta dhismeyaashan tayada leh, oo ah kuwa ay si isxilqaan ah u dhiseen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana uu ku booriyay in ay dardargeliyaan dadaalkooda ku aaddan dib-u-dhiska Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com