Wasiirka Gaadiidka oo qaabilay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Itoobiya

Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa Magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Itoobiya, Getachew Mengiste oo maanta booqasho ku yimid dalka.

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA) ayaa baahisay in kulanka looga hadlay iskaashi dhexmara labada hay’adood ee Duulista Rayidka ee labada dal.

“Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada, Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in muhiimad ay u leedahay iskaashiga Duulimaadyadda Rayidka iyo horumarintiisa, waxaana intaas uu ku daray in ka Somaliya ahaan xiriirada Hay’adda Duulista Rayidka ee caalamka uu kor u kacay, tan iyo markii Maamulka Hawada ay Somaliya la soo wareegtay.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Itoobiya, Getachew Mengiste ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Saraakiisha Hay’adda Duulista Rayidka ee Somaliya, sida ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu sheegay in kulamada noocaan ah ay kor u qaadayaan iskaashiga labada hay’adood iyo is-dhaafsiga khibradaha shaqo.” Ayay ku warantay SONNA.

Waa markii ugu horeysay uu Getachew Mengiste booqasho ku yimaado dalka, tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay bishii January ee sanadkan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com