Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo difaacday kursigiisa Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa difaacday kursigiisa Golaha Shacabka, ka dib doorasho xalay ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa 76 cod kaga guuleystay musharaxa keliya ee la tartamayay oo lagu magacaabo Cabdikariin Cilmi Tifow, kaasoo helay 22 cod.

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa habeen bar ku dhawaaqay in Cabdulqaadir Cosoble uu ku guuleystay kursiga #HOP140.

Jowhar oo ah deegaan doorashada 1aad ee Hirshabelle ayaa waxaa hadda ku harsan lix kursi, oo mid ka mid ah laga soo wareejiyay Magaalada Beledweyne.

Tani ayaa wadarta guud Xildhibaanada Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la doortay ka dhigeysa 253 xubnood.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com