Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa.
Warka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen qodobo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka, amniga, abaaraha iyo weliba hawlgalka cusub Midowga Afrika ee ATMIS.
Sida warka lagu sheegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Madaxweynaha kala hadlay dedejinta iyo dhameystirka howlaha doorashooyinka, isagoo dhanka kale u muujiyay inay garab taagan yihiin Somaliya, xilligan ay kordheen weerarada maleeshiyada Al Shabaab iyo abaaraha ba’an ee dalka ka jira.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa waxa uu Xoghaye Guterres u sheegay in uu rajeynayo in si degdeg ah loo soo geba-gabeeyo hannaanka geeddi-socodka ee doorashooyinka dalka iyo in arrimaha taagan lagu dhameeyo wada hadal.
Dhanka kale Guterres ayaa Madaxweynaha u muujiyay, sida uu u taageersan yahay Hawlgalka KMG Midowga Afrika ee Somaliya (ATMIS), waxaana uu Somaliya u rajeeyay inay awood u yeelato in ay si buuxdo ula wareegto amnigeeda.
Wada hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dunida ay walaac badan ka muujineyso gaabiska iyo khilaafka hareeyay doorashada.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com