Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo ku wajahan Magaalada Baydhabo

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa shaaciyay in xubno ka mid ah ay maanta u amba-baxayaan Magaalada Baydhabo, si xal looga gaaro tabashada Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddiga Doorashooyinka ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in xubnahaasi ay saaka u dirayaan Magaalada Baydhabo.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa xubno ka mid ah guddiga u diraya berri Subax 13.04.2022 Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya. Si xal looga gaadho tabashada Maamulka Koonfur Galbeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Koonfur Galbeed ayaa toddobaadkii hore cabasho ka keentay saddexda kursi ee natiijada doorashadooda aan la shaacin, iyadoona muujisay inaanan la dhaarin doonin Xildhibaanada laga soo doortay deegaanadeeda, illaa iyo inta laga fasaxayo kuraastaasi.

14-ka bishan oo Khamiista berrito ku beegan ayaa lagu wadaa in Caasimadda Muqdisho lagu dhaariyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com