Guddiga Doorashooyinka oo sheegay in la xaliyay tabashadii Koonfur Galbeed

Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa caawa shaaciyay in la xaliyay tabashadii Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka qabtay taaba-gelinta howlaha doorashooyinka ee dalka.

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo, si xal loogu helo cabashada ay Koonfur Galbeed ka keentay saddexda kursi ee natiijada doorashadooda aan la shaacin.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay inay go’aan ku soo saareen in la fasaxo kuraasta kala ah #HOP204 iyo #HOP103, halka kursiga #HOP154 lagu celin doono doorashadiisa.

Tani ayaa dhabaha u xaareysa in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doortay Koonfur Galbeed ay u safraan Magaalada Muqdisho, si ay u qaataan shahaadada Xildhibaanimo, ugana qaybgalaan munaasabadda dhaarinta ee Xildhibaanada Labada Aqal.

Sida uu qorshuhu yahay Khamiista berrito ayay tahay in Xildhibaanada Baarlamaanka lagu dhaariyo Teendhada Afisyooni ee dacalka ku hayso Xerada Xalane.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com