Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo gaaray Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo.

Wafdiga Gudoomiyaha Guddiga oo ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ayaa Magaalada Baydhabo u tegay, si xal looga gaaro tabashada Maamulka Koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed ayaa toddobaadkii hore cabasho ka keentay saddexda kursi ee natiijada doorashadooda aan la shaacin, iyadoona muujisay inaanan la dhaarin doonin Xildhibaanada laga soo doortay deegaanadeeda, illaa iyo inta laga fasaxayo kuraastaasi.

Berrito oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Caasimadda Muqdisho lagu dhaariyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com