Wararkii ugu dambeeyay ismiidaamin ka dhacday Magaalada Kismaayo

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhimatay, mid kalena waa uu ku dhaawacmay, qarax xalay fiidkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa uu weeraray hoyga Sarkaal ka tirsan Dekedda Magaalada Kismaayo, oo lagu magacaabo Carab Kaambooni.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkaasi uu gargaraacay albaabka hoyga uu degan yahay Carab Kaambooni, markii laga furayna uu orod gudaha ugu galay gurigaasi, ka hor intii aanu is qarxin, waana xilli uu hoygaasi ku sugnaa Sarkaalkii uu bartilmaameedku ahaa.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland, Jaamac Axmed Cali (Joofane) ayaa sheegay in hoyga uu qaraxu ka dhacay uu ku yaalo xaaafadda Farjano, Laanteeda Siinaay.

“Qaraxaasi waxaa lala eegtay guri uu deganaa nin masuul ah oo ka tirsan masuuliyiinta Jubbaland ahna Madaxa Hawlgalada ee Dekedda.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa yiri “Laba qof oo ka tirsanaa qoyska masuulka la beegsaday ayaa ku dhintay qaraxa, waxaana ku dhaawacmay qof kale oo qoyska ka tirsan. Dadka dhintay mid wiil yar buu ahaa, midna waxay ahayd xaaskii ninkaasi masuulka ah oo weliba xaamilo ahayd. Sidoo kale wiil yar uu dhalay masuulkaasi ayaa isaguna dhaawac ah.”

Afhayeenka oo VOA la hadlay ayaa intaasi ku daray “Ciidamadu, qaraxa ka dib hawlgalo ayay sameeyeen, welina hawlgaladii way socdaan.”

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Carab Kaambooni uu qudhiisu ku dhaawacmay qaraxaasi, inkastoo Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaalnd aanu warkaasi xaqiijin.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, xilli magaalada ay bishan Ramadaanba ka socdeen hawlgalo amni xaqiijin ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com