Faah faahino ayaa ka soo baxaya shaqaaqada maanta ka dhacday Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa, iyadoo inta la ogyahayna ay ku dhaawacantay saddex askari.
Qaar ka mid ah maxaabiista ku xiran Qaybta A oo lagu hayo dadka ku xukuman dembiyada waaweyn, oo ay ku jiraan kuwa u xiran falalka argagixiso ayaa la sheegay inay gacmaha ula taggeen Ciidanka Ilaalada Xabsiga, iyagoo markaasi adeegsanaya dhegxaan.
Dhawaqa rasaasta nool nool oo laga maqlay aagga xabsiga, ahaydna middii ay ciidamadu ridayeen ayaa waxay keentay in dadku isugu soo baxaan wadooyinka ku dhow dhow, Saxafiyiinta oo warkaasi ka war helayna waxay bilaabeen inay si toos ahi u soo tebiyaan.
Ciidamada amniga ayaa soo xiray qaar ka mid ah Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Hargeysa, xilli ay ku howlanayeen soo tebinta dhacdadaasi.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland, S/guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) oo ka warbixiyay dhacdada duhurnimadii maanta ka dhacday Xabsiga Dhexe ayaa dhanka kale meesha ka saaray wararka sheegaya inay baxsadeen qaar ka mid ah maxaabiistii ku xirneyd xabsigaasi.
“Waxay shaqaaqadaasi ka dhacday is afgaran-waa ay isku afgaran waayeen hal nin oo maxbiis ah, oo ay u taliyeen edeb-darro in la soo geliyay iyo in kale, ka bacdi qaar baa ka faa’iideystay buuqii dhexdiisa.” Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa tilmaamay in ay la xisaabtami doonaan dad uu ku eedeeyay inay buun buuniyeen dhacdadaasi, kuwaa oo sida uu sheegay ka been abuurtay askartii ilaalineysay maxaabiista.
“Dadka buun buuninayay ee ka sheekeynayay in ay wax dhaceen, askar qaryo laga boobay, waxaanu sheegaynaa mooraal xumadaa been beenta ah ee askartayada laga sheegay, dacwaanu ka qabnaa. In askari loogu talagalay inuu maxaabiistaa hayo, la yiraahdaa qorigii baa nin maxbuusi ka qaatay, wuuna ku faltamay, waa waxaanu rabno in sharcigu wixii uu leeyahay in nalaga mariyo, kana yeeli mayno cidna.” Ayuu yiri General Libaax.
General Libaax ayaa xaqiijiyay in ay jiraan dhowr askari oo dhaawacyo ka soo gaareen dhegxaantii ay la dhaceen maxaabiistii isku dayday inay gadoodka sameeyaan, khasaare intaasi ka badana aanu jirin.
“Askarta dhaawacantay waa dhowr nin, dhagxaan ay ka goysteen sibirka/shamiitada meesha, oo ay ku dhufteen baa wax gaarsiisay. Ayuu yiri jananku.
Wariye-yaasha loo soo xiray baahinta dhacdadaasi ayaa ku xiran Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, kuwaa oo ka kala tirsan Warbaahinta kala duwan ee fadhigoodu yahay Xarunta Somaliland.
Dhacdadan ayaa noqotay midda loogu hadalhaynta badan yahay Magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba deegaanada Somaliland.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com