Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa waxay xalay Magaalada Beledweyne ku dileen Gudoomiyihii hore ee Waxbarashada Gobolka Hiiraan, Cismaan Muxumed Cilmi (Caato).
Raggan ayaa Gudoomiyaha ku dilay xaafadda Xaawo Taako, xilli sida la sheegay uu ka soo baxay Subac Quraan.
Wararka ayaa sheegaya in dembiileyaasha ay ka baxsadeen goobtaasi, ka hor intii aanay gaarin ciidamada amniga.
Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya inaysan jirin cid ay ciidamadu u soo qabteen dilka Cismaan Caato loogu gaystay xaafadda Xaawo Taako.
Inkastoo aysan jirin cid sheegatay masuuliyadda dilkan ayaa waxaa haddana si dhow lala xiriirinayaa maleeshiyada Al Shabaab.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com