Hirshabelle oo mar kale dalbatay in la fasaxo kursiga Fahad Yaasiin

Maamulka Hirshabelle ayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ugu baaqay inay fasaxaan kursiga #HOP086, kaasoo ay ka reebeen liiska Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, ee ay shaaciyeen natiijada doorashadooda.

Kursigan ayaa waxaa 20-kii bishii February ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Beledweyne.

War ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu sheegay inaanu habraac khaldan ka jirin doorashada kursigaasi, balse loo haysto dano siyaasadeed.

Warka ayaa u qornaa:-

Ujeedo: Fasixid si shuruud la’aan ah kursiga HOP086.

Dowladda Hirshabelle waxay aad uga xuntahay hakinta sharci darrada ah ee lagu sameeyay Kursiga HOP086 oo deegaan doorashadiisu tahay Dowladda Hirshabeelle.

Dowladda Hirshabelle waxay caddeyneysaa in doorashada kursigaas loo maray hannaan waafaqsan heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii doorashooyinka oo sax ah, goobjoogna ay ka ahaayeen Gudiyada SEIT, FEIT iyo Gudiga xalinta khilaafaadka, wax cabasha ahna aysan ka imaanin beesha leh kursigaas iyo murashaxiintii ku tartantay sidaas darteedna ay natiijadiisu tahay mid sax ah.

Dowladda Hirshabelle waxay ka digeysaa tallaabooyinka ay Gudiga FEIT ku xagal daacinayaan dhameystirka doorashooyinka dalka.

Dowladda Hirshabelle waxay caddeynaysaa in kursiga tirsigiisu yahay HOP086 aysan jirin wax habraac khaldan ah, balse loo heysto dano siyaasadeed, taasina waxaa caddeyn u ah in Guddiga FEIT uu caawa fasaxay kuraastii lala hakiyay, iyadoo aysan jirin wax habraac khaldan ah oo la saxay, arrintuna ay tahay anigaa qabsaday, anigaana fasaxay, taasoo muujineyso kutakrifal awoodeed.

Uga dambayn Dowladda Hirshabelle waxay ugu baaqaysaa Guddiga FEIT inay fasaxaan kursiga tirsigiisu yahay HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran, si looga fogaado wax kasta oo dib u dhac u keeni karo doorashada dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com