Kuraastii taalay Magaalada Garbahaarey oo loo wareejiyay Ceelwaaq

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa galabta shaaciyay in Magaalada Garbahaarey laga wareejiyay doorashada 16 kursi ee yaala, loona wareejiyay Degmada Ceelwaaq.

Warqad ka soo baxday Guddiga Doorashooyinka ayaa lagu sheegay inay garowsadeen inaysan doorashadu ka dhici karin Magaalada Garbaaharey, sidaasi daraadeedna loo bedelay in lagu qabto Ceelwaaq.

“Markuu garwaaqsaday inaysan suuragal ahayn inay doorasho ka dhacdo Magaalada Garbahaarey, waxaa lagama maarmaan noqotay in meel kale oo dadka u dhaxeyso, amnigeeduna sugan yahay la helo.

Guddigu waxaa uu go’aamiyay in doorashada Garbahaarey laga bedelo, laguna bedelo in doorashada lagu qabto Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.” Ayaa lagu sheegay warqadda.

Doorashada kuraasta Garbahaarey waxaa caqabad xoog lihi ku noqday loolanka siyaasadeed ee Villa Somalia iyo Jubbaland, iyadoo Garbahaarey ay tahay deegaan doorashada 2aad ee Jubbaland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com