Rooble oo ka hadlay doorashada laga wareejiyay Magaalada Garbahaarey

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aanka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ay doorashada uga wareejiyeen Magaalada Garbahaarey.

Garbahaarey oo ah deegaan doorashada 2aad ee Jubbaland ayaa waxaa yaala 16 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland, waxayna Guddiga Doorashooyinku go’aan ku soo saareen in doorashada kuraastaasi lagu qabto Degmada Ceelwaaq.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble isagoo tixgelinaya xaqa metelaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhameystirka doorashada, wuxuu bogaadinayaa, soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada 2aad ee Jubbaland.

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu ku boorinayaa Guddiga Jubbaland iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland in ay si dhakhso ah u soo dhamystiraan kuraasta dhiman.”

Is mari-waaga hareeyay doorashada Garbahaarey ayaa in muddo ahba ahayd caqabadda ugu weyn ee horgudban Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Nagala xiriir dhacdo@gmail.com