Doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacday Magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar ayaa waxaa goor dambe oo xalay ahayd lagu soo geba-gabeeyay doorashada kursiga #HOP024, oo deegaan doorashadiisu tahay Hirshabelle.

Kursigan Golaha Shacabka ka tirsan ayaa waxaa ku tartamay illaa afar musharax, iyadoona codad badan looga adkaaday Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim oo horey ugu fadhiyay kursigaasi.

Maxamed Axmed Maxamed (Beereey) ayaa tartanka doorashada kaga adkaaday musharaxiinta kala ah Yuusuf Maxamed Xaaji Dool, Bashiir Macalin Cali Xasan iyo Cabdulqaadir Carabow Ibraahim.

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa shaaciyay in Baareey uu helay 59 cod, iyadoo Yuusuf Maxamed Xaaji Dool uu helay 25 cod, halka Cabdulqaadir Carabow iyo Bashiir Macalin ay heleen min 7 cod.

Beereey oo sanadkii 2016 looga adkaaday doorashada kursigan, markaas oo Cabdulqaadir Carabow uu kaga guuleystay ayaa haatan ku biiraya Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka.

Jowhar oo ah deegaan doorashada 1aad ee Hirshabelle ayaa waxaa hadda ku harsan shan kursi, oo mid ka mid ah dhawaan laga soo wareejiyay Magaalada Beledweyne.

Wadarta guud Xildhibaanada Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la doortay ayaa ah 254 Xildhibaan, oo 51 ka mid ah ay haween yihiin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com