Booliska oo u diyaargaroobaya wejiga 2aad ee amniga doorashada dalka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta Saraakiisha Booliska kala hadlay u diyaargarowga wejiga 2aad ee sugidda amniga ee doorashada dalka.

Taliyaha oo kulan la qaatay Saraakiisha ayaa si dhow ugala hadlay, sidii loo dardargelin lahaa sugidda amniga, haddii maalmaha ina soo aaddan la guda gelayo Doorashada Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Taliyaha oo geba-gabadii kulankaasi Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay si amni ah ugu soo idlaatay wejiga hore ee doorashada iyo dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal, oo 14-kii bishan lagu dhaariyay Magaalada Muqdisho, haatana ay u diyaargaroobayaan wejiga 2aad ee amniga doorashada.

“Waxaa la gelayaa dhawaan qaybtii 2aad ee doorashada, weli ma aysan dhammaan doorashada oo waxa uun dhammaaday qaybtii hore oo aad u dhib badneyd, wejiga dambena dhawaan baa la gelayaa, waxaana kula dardaaranay inay ciidanku u diyaargaroobaan wejiga 2aad ee hadda la gelayo, sidii kii hore ay uga soo shaqeeyeen.” Ayuu yiri Taliyuhu.

General Cabdi Xasan Maxamed, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Booliska Muqdisho iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ku ammaanay inay si wanaagsan u sugeen amniga, muddadii lagu guda jiray wejiga hore ee doorashada, oo lagu soo doortay Xildhibaanada Labada Aqal.

General Xijaar ayaa Saraakiisha Booliska faray inay dardargeliyaan dadaalada lagu xaqiijinayo amniga dalka, labada toddobaad ee ka harsan bishan barakeysan ee Ramadan, bacdamaa sida uu sheegay ay cadowga ummadda Soomaaliyeed isku dayayaan inay qalqalgeliyaan amniga dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com