Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo la magacaabay

Gudomiyaha Ku-meel-gaarka ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad) ayaa maanta magacaabay Guddiga Doorashada ee Guddonka Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddiga ayaa ka kooban toban xubnood, kuwaa oo laba ka mida ay haween yihiin, waxayna ka shaqayn doonaan qaban-qaabada Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in maalmaha ina soo aaddan ay doortaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Labadiisa Kuxigeeno.

Magacyada Guddiga Doorashada Golaha Shacabka

Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur
Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed
Xildhibaan Nasra Mahdi Alaale
Xildhibaan Maxamed Xuseen Haadi
Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud
Xildhibaan Cumar Shariif Jeeg
Xildhibaan Qaasim Cilmi Seed
Xildhibaan Cabdullaahi Xasan Rooble
Xildhibaan Cali Sheekh Maxamed Nuur
Xildhibaan Maxamed Abuukar

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com