Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddoonka KMG ee Baarlamaanka Federaalka

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi ayaa Xarunta Villa Somalia ku qaabilay Guddoonka Ku-meel-gaarka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad) iyo Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ugu hambalyeeyay masuuliyadda qaran ee loo igmaday.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Gudoomiyeyaasha Labada Aqal ee BFS, sida habsamida leh ee ay u fureen kulanka 1aad ee Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya, isaga oo Alle uga baryay in uu ku garab galo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

Dhankooda, labada Gudoomiye ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya uga mahadceliyay kulanka, iyaga oo hoosta ka xariiqay sida ay uga go’antahay dardargelinta doorashooyinka dalka.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com