Axmed Madoobe oo qaabilay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed lslaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay xubno uu horkacayay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dardargelinta doorashada 16-ka kursi ee loo wareejiyay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay qabsoomidda doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Magaalada Ceelwaaq iyo sidii loo dardargelin lahaa, iyadoo Madaxweynuhu uu ballanqaaday in Jubbaland ay diyaar la tahay wixii taageero ah, oo ay guddiyadu uga baahan yihiin.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Kulanka waxaa goobjoog ka aaha Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed Jubbaland, Siyaad Maxamed Mursal.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa Khamiistii shaaciyay in kuraastii taalay Magaalada Garbahaarey loo wareejiyay Ceelwaaq, ka dib markii ay sheegeen inaanan doorashadaasi lagu qaban karin Garbahaarey.

Tani ayaa waxaa si adag uga horyimid Maamulka Gobolka Gedo, iyadoona uu maamulkaasi sharci darro ku tilmaamay in kuraastaasi laga wareejiyo Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com