James Swan oo kulamo la leh musharaxiinta Guddoonka Golaha Shacabka

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan ayaa maanta bilaabay inuu kulamo la qaato musharaxiinta u taagan Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed (Black) ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay ee James Swan uu ku qaabilo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale James Swan ayaa si gaar gaar ah u qaabilay Xildhibaan Maxamed Aadan Nuur (Aadan Madoobe) iyo Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla Xuseen. Saddexduba waxaa laga soo doortay Koonfur Galbeed.

War ka soo baxay Xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in James Swan uu doonayo wax ka ogaado ujeedooyinka ay musharaxiintu ka leeyihiin jegada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

“Iyadoo diiradda lagu wada hayo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, James Swan waxa uu maanta bilaabay inuu la kulmo musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka, si uu u ogaado ujeedooyinka ay ka leeyihiin doorkan muhiimka ah, oo ay ku jirto mudnaanta sharci dejinta.” Ayaa lagu yiri warka.

Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ka socoto qaban-qaabada Doorashada Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa inay soo doortaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Labadiisa Kuxigeeno, halka Senatorada Golaha Aqalka Sare ay tahay inay doortaan Gudoomiyaha Golahaasi iyo Kuxigeenadiisa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com