Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ee Magaalada Jowhar waxa uu ku qaabilay Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo shalay loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka.
Cismaan Xaadoole ayaa tartanka doorashada ee kursiga #HOP106 kaga guuleystay illaa saddex musharax oo kale, oo mid ka mida ay haweeney ahayd.
“Madaxweynaha ayaa Xildhibaanka ugu hambalyeeyay guusha uu gaaray, waxa uuna kula dardaarmay u shaqaynta bulshada Hirshabelle iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Guudlaawe.
Jowhar oo ah deegaan doorashada 1aad ee Hirshabelle ayaa waxaa ku haray afar kursi, oo kursi ka mid ah laga soo wareejiyay Magaalada Beledweyne.
Tani ayaa tirada guud Xildhibaanada Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la doortay ka dhigeysa 255 Xildhibaan, oo 51 ka mid ah ay haween yihiin.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com