Abwaan Badal Jaamac oo caawa lagu dilay Muqdisho

Abwaan Badal Jaamac Xirsi oo ka mid ahaa Abwaanada Soomaaliyeed ayaa caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho, xilli uu ka soo baxay Masaajid uu Salaaddii Maqribka ku soo tukaday.

Abwaanka ayaa waxaa waddada u galay rag bastoolado ku hubeysnaa, isagoo markaasi ka soo baxay Masaajid ku yaala Degmada Kaxda, kuna sii jeeday hoygiisa.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in laba nin oo bastoolado ku hubeysnaa ay toogteen Abwaanka, isla-markaana ay ka baxsadeen goobtii ay falkaasi ka gaysteen.

Abwaan Badal Jaamac oo muddooyinkii ugu dambeysay u wareegtay dhanka dhaqanka ayaa sanadkii 2016 ka mid ahaa Odayaashii Dhaqanka ee soo xulay Ergada xilligaa soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaankii 10aad.

Ma cadda ujeedada ka dambeysa dilkiisa iyo weliba cidda dishay, waxaase si dhow loola xiriirinayaa maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa tan iyo sanadkii 2017 waxa ay beegsanayeen Odayaasha Dhaqanka iyo Ergada soo dooraneysa Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com