Adam Abdelmoula oo kormeeray Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa (SAWIRRO)

Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey ee Somaliya ahna Isku-duwaha Xafiiska Gargaarka Bani’aadanimada, Adam Abdelmoula ayaa maanta booqasho ku tegay Magaalada Hargeysa, isagoona la kulmay xukuumadda, Kuxigeenka Duqa Hargeysa iyo weliba Guddiga Gurmadka ee Suuqa Waaheen.

Kuxigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ayaa sheegay inuu Magaalada Hargeysa u yimid, in uu shacabka reer Hargeysa u muujiyo, sida ay Qaramada Midoobey u garab taagan tahay.

Adam Abdelmoula ayaa kormeeray Suuqa Waaheen, halkaas oo uu ku soo arkay burburka baaxadda leh ee uu gaystay dabkii dhawaan ka kacay suuqaaasi.

“Waxay ahayd wax xanuun badan inaan soo arko burburka ka dhashay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa. Lama soo koobi karo baaxadda burburka iyo saamaynta uu ku yeeshay dadka deegaanka iyo nolosha dhaqaale, mid toos ah iyo mid dadbanba. Dabku waa mid burburiyay magaalada.” Ayuu yiri Adam Abdelmoula.

Adam Abdelmoula ayaa yiri “Qaramada Midoobey waxaa ka go’an inay gacan ka gaysato dib-u-dhiska mustaqbalka dhow, dhexe iyo midka fogba.”

Abdelmoula ayaa intaasi raaciyay “Dib-u-dhiska Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa waa mid aad muhiim u ah, sidoo kale waxaa muhiim ah in la hubiyo qorsheyaasha dib u soo kabashada, waxna looga qabto baahiyaha dadka aadka u nugul ee ay saameysay masiibadani, kuwaas oo ay ka mid yihiin dadka ay noloshooda ku tiirsan tahay nolol maalmeedka iyo ganacsatada yar-yar.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com