Dalka Sweden ayaa waxaa weli ka socdo dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka dhashay tallaabada ay dhaqdhaqaaqa Stram Kurs (Hard Line) toddobaadkii hore ku gubeen Kitaabka Quraanka Kariimka.
Rasmus Paludan oo ah qareen cunsuri ah, una dhashay dalka Denmark ayaa Xisbiga Xagjirka ah ee Stram Kurs u aasaasay Islaam naceyb. Ninkan oo sidoo kale haysta dhalashada dalka Sweden ayaa ku hanjabay in mar kale uu gubi doono kitaabka ugu xormada badan Islaamka.
Axaddii, Ciidamada Booliska iyo dad bannaannbax ka waday Magaalada Norrköping ayaa isku dhacay. Bannaanbaxayaasha ayaa waday qorshe ay kooxda midigta fog ku dooneysay inay mar labaad ku gubto Kitaabka Quraanka Kariimka. Booliska oo dibadbaxaasi xakamayn kari waayay ayaa markii dambe bannaanbaxayaasha u adeegsaday rasaasta nool nool, oo dhaawac uu ka soo gaaray saddex qof.
War ka soo baxay Taliska Booliska ee magaaladaasi ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga ay weerar kala kulmeen dibadbaxayaasha, taa oo ku khasabtay inay rasaas digniin ah ridaan, ayna ku dhaawacmeen saddex qof. Booliska ayaana markii dambe xiray nin ay ku tuhmayaan fal dembiyeed.
Taageereyaasha Rasmus Paludan ayaa isugu soo baxay wadooyinka Magaalada Norrköping, ka dib markii uu ugu baaqay inay isku soo baxaan.
Rabshado ayaa sidoo kale laga soo sheegay magaalada ku dhow ee Linkoping, halkaas oo Paludan uu qorsheynayay inuu mudaaharaad ku qabto, balse markii dambe uu joojiyay.
Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in sababta uu go’aankan u qaatay ay tahay in masuuliyiinta Sweden aanay lahayn awood ay ku difaacaan isaga iyo naftooduba.
Dowladaha Iraq iyo Iran oo ka carooday ficilada foosha xun ee Rasmus Paludan ayaa u yeeray Wakiilada Sweden, si ay ugu muujiyaan, sida ay kaga soo horjedaan gubidda Quraanka Kariimka.
Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay isku dhacyo rabshado wata ayaa ka socday Magaalada Caasimadda ah ee Stockholm iyo magaalooyin kale, oo ay ka mid tahay Malmo.
Anders Thornberg, Taliyaha Booliska Sweden ayaa sheegay inaanu noloshiisa arkin bannaanbax la mid ah midka haatan ka socda dalkaasi. Bannaanbaxayaasha ayuu ku eedeeyay inaanay wax dan ah ka lahayn nolosha Ciidamada Booliska.
Ra’iisal Wasaaraha Sweden, haweeneyda lagu magacaabo Magdalena Andersson ayaa Paludan ku eedeysay in uu doonayo in dadka reer Sweden uu iska horkeeno. Waxay sheegtay inaysan aqbali doonin in dalka laga horseedo rabshado.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com