Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Abwaan Badal Jaamac Xirsi oo dil xaqdarro ah loogu gaystay Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in marxuum Badal Jaamac Xirsi uu ahaa Abwaan iyo Nabadoon lagu yiqiin samadoonimo, waddaniyad iyo dal jaceyl, isaga oo door lama ilaawaan ah ka qaadan jiray wacyigelinta bulshada, nabadeynta iyo dowlad-dhiska dalka.
“Alle ha u naxariistee marxuum Badal Jaamac Xirsi waxaa uu ahaa haldoor, Abwaan iyo Nabadoon bulshada ka wacyigelin jiray aafada qabyaaladda, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha, waxaana uu mar walba ku baraarujin jiray taageerada dowladnimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xanuunka tacsida la qaybsanayaa ehelka marxuumka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Badal Jaamac Xirsi Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com