Madaxweyne Farmaajo oo cambaareeyay weerarkii Xarunta Golaha Shacabka

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa cambaareeyay weerarkii hoobiyaha loo adeegsaday ee maanta lagu qaaday Xarunta Golaha Shacabka (Villa Hargeisa) ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan kooxaha argagixisada, ayna si buuxdo ula shaqeeyaan Ciidamada Dowladda.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyay weerarkii argagixiso ee maanta ay kooxaha arxanlaaweyaasha ahi la beegsadeen Xarunta Villa Hargeisa, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto ficilada gurracan ee kooxaha argagixisada ah, si buuxdana loola shaqeeyo ciidamadeena geesiyaasha ah ee har iyo habeen u taagan sugidda amniga dalka.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Illaa toddobo qof oo isugu jira Shaqaalaha Baarlamaanka iyo askar ayaa ku dhaawacmay hoobiyaha ku dhacay barxadda Xarunta Villa Hargeisa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com