Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay dilka caawa fiidkii Abwaan Badal Jaamac Xirsi loogu gaystay Magaalada Muqdisho.
Qoraalka Madaxweynaha Galmudug ayaa u qornaa:-
Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u raxmadee, Abwaan Badal Jaamac Xersi (Laangare), oo kooxo dhagarqabayaal ah ku beegsadeen xili uu Salaadii Maqrib ka soo baxay Masjid ku yaala Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa si guud ugu tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna qoyska, qaraabada iyo xigtada marxuumka, wuxuuna Eebbe uga baryay inuu ka waraabiyo Janadiisa Firdowza.
Abwaan Badal ayaa ka mid ahaa Nabadoonada Galmudug, wuxuuna had iyo goor u taagnaa nabadeynta iyo dadaalada dib-u-dhiska Dowladnimada Somaliya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com