Madaxweynaha Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ka hor inta aan loo gelbin hoyga uu ka degan yahay magaalada.

“Waxaan maanta nabad nimid Magaalada Muqdisho, waan u mahadcelinaynaa Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka DFS, masuuliyiinta kale ee dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, ee sida weyn noo soo dhoweeyay.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay bartiisa Facebook.

Madaxweyne Deni ayaa la fahamsan yahay inuu Caasimadda Muqdisho u yimid arrimaha doorashooyinka dalka, waana xilli uu ka mid yahay musharaxiinta u taagan Xafiiska Madaxtooyada.

Deni ayaa bishii hore ee March ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan jegada madaxtinimada Somaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Aqalka Sare ayaa la filayaa in toddobaadka soo socda ay doortaan Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com