Madaxweyne Qoorqoor oo Muqdisho u yimid arrimaha doorashooyinka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

Saraakiisha Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu Caasimadda Muqdisho u yimid arrimaha doorashooyinka dalka.

Toddobaadka soo socdo ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay doortaan Guddoonka Labada Aqal.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com