Cali Guudlaawe oo la kulmay Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay inay Shariif Sheekh Axmed iska wareysteen xaaladda guud ee dalka, tan Hirshabelle iyo midda doorashada.

“Waxaan hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka, Walaalkay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaan iska xog wareysanay xaaladaha Hirshabelle, tan guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka oo geba-gabo maraya.” Ayuu Cali Guudlaawe ku sheegay bartiisa Facebook.

Guudlaawe ayaa Isniintii Muqdisho u yimid wejiga 2aad ee doorashooyinka dalka, oo lagu soo dooran doono Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com