Fahad Yaasiin oo soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare Dalka

Maxkamadda Sare Dalka ayaa maanta si aan toos ahayn u ayidday go’aankii Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, ee ahaa in dib loo qaban doono doorashada kursiga #HOP086, kaas oo 20-kii bishii February uu ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, La taliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay inaanan doorashada kursigaasi loo marin habraacii saxda ahaa ee lagu heshiiyay, sidaasi daraadeedna ay doorashadaasi kursigaasi tahay in lagu celiyo.

Fahad Yaasiin ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay inuu ixtiraamayo go’aanka Maxkamadda Sare ay ku diiday dacwaddii uu u gudbiyay, ee ahayd inay go’aan ka gaarto tallaabada kursigiisa looga reebay kuraastii Golaha Shacabka ee natiijadooda la shaaciyay.

Akhriso: Warqadda Fahad Yaasiin

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com