Maxkamadda Sare Dalka oo laashay dacwaddii Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Maxkamadda Sare Dalka ayaa maanta laashay dacwaddii Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu ku dalbanayay inay joojiso tallaabada Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal aanay ku shaacin doorashada kursiga #HOP086.

Kursigan oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa 20-kii bishii February ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Beledweyne, ha yeeshee Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay inaanan doorashada kursigaasi loo marin habraacii saxda ahaa ee lagu heshiiyay, sidaasi daraadeedna ay doorashadaasi kursigaasi tahay in lagu celiyo.

Maxkamadda Sare Dalka ayaa maanta si aan toos ahayn u ayidday go’aankii Guddiga Doorashooyinka, ay ku sheegeen in doorashada kursigaasi lagu celin doono.

Go’aankan ayaa waxaa gaaray Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed iyo garsooreyaasha kala ah Cabdicasiis Maxamed Yuusuf iyo Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

Go’aanka Maxkamadda Sare

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com