Wararkii ugu dambeeyay dagaalka dalka Ukraine

Hoggaamiye-yaasha Reer Galbeedka ayaa go’aansaday in taageero kale oo militari oo dheeraad ah la siiyo Ukraine, si ay isaga caabiso gulufka cusub ee Ruushku ka bilaabay bariga dalkaasi.

Isbahaysiga Gaashaanbuurta NATO oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Jarmalka ayaa sheegaya inay Ukraine ku taageeri doonaan saanad ciidan, si ay uga hortagto duulaankaasi.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in Washington ay diri doonto saanad hub oo dheeri ah, si buu yiri ay Ciidamada Ukraine jilbaha ugu laabtaan gulufka cusub ee Moscow.

Madaxweyne Biden oo ka qaybgelayay kulan Hoggaamiye-yaasha Reer Galbeedka ku yeesheen muuqaalka foggaan aragga ayaa sheegay in hubkaasi uu qayb ka yahay qoriga dhuunta dheer ee Artillery-ga.

Olaf Scholz, Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka ayaa sheegay in dalkiisu uu Ukraine siin doono dhaqaale, si shirkadaha hubka sameeya ee Jarmalka uga iibsato hubka ay ugu baahida badan tahay.

“Waxaanu ka codsanay warshadaha hubka ee Jarmalka ee sameeya aaladaha difaaca inay inoo soo sheegaan qalabka ay iibinayaan. Ukraine waxay haataan ka dooratay liiskii hubka ee loo soo gudbiyay lidka taangiyada & diyaaradaha iyo madaafiicda goobta.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka oo intaasi ku daray “Si dhakhsa ah ayaa saanadaasi loo gaarsiin doonnaa halka looga baahan yahay, waana muhiim xilligan.”

Ra’iisal Wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa dhankiisa sheegay in London ay Ukraine ugu deeqi doonto gantaalada lidka maraakiibta ee loo yaqaano (Brimstone).

Ra’iisal Wasaare Boris Johnson ayaa sheegay in gantaaladani ay wax ka tari doonaan duulaanka Ruushka ee dalkaasi.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy oo soo dhaweeyay ballanqaadkaasi cusub ayaa sheegay in Ukraine ay mar hore ka guul gaari laheyd dagaalka, haddii ay heli laheyd hub tayo leh.

Zelenskyy ayaa Militariga Ruushka ku eedeeyay inay si weyn u kordhiyeen duqaymaha ay xilligan ka wadaan bariga Ukraine.

Dhanka kale Wasaaradda Difaaca Britain ayaa sheegtay in Ciidamada Ukraine ay iska caabinayaan Ciidamada Ruushka ee gudaha u sii gelaaya Gobolka Donbas. Wasaaradda ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ee Sirdoonka Britain ku sheegtay in Ciidamada Ruushka ay kordhiyeen duqayntooda gobolkaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka, Sergei Shoigu ayaa Mareykanka iyo Wadamada Reer Galbeedka ku eedeeyay inay sameynayaan wax kasta, oo ay ku sii dheerayn karaan sii socoshada hawlgalkaasi militari.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Ruushka uu sida ugu habboon u fulinayo hawlgalkiisa bariga dalkaasi, ee lagu xoreynayo sida uu yiri labada gobol ee ka go’ay Ukraine.

Dagaalka dalka Ukraine ayaa noqday kan ugu weyn ee dunida isha ku hayso, waxayna dadka qaarkii ka baqdin qabaan in dagaalkaasi isu bedelo mid si toos ah ugu dhaxeeya Ruushka iyo xulafada NATO.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com