Warbixinta khasaaraha uu gaystay dagaalkii Boosaaso oo la soo saaray

Guddigii loo igmaday inay soo qiimeeyaan khasaaraha uu gaystay dagaalka daba-yaaqadii bishii December ee sanadkii hore ka dhacay Magaalada Boosaaso ayaa xalay soo saaray warbixin ku aaddan inta uu khasaarahaasi le’egyahay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 22 qof ku dhimatay dagaalka, 86 kalena ay ku dhaawacantay, halka 206 gurina uu burbur ka soo gaaray.

Qiimeynta guud khasaaraha uu sababay dagaalkaasi ayaa lagu sheegay sideed boqol, toddobo kun iyo shan boqol oo dollar ($807,500).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com