Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo walaac ka muujiyay weerarkii Gaalkacyo

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay weerarka caawa ka dhacay Beerta Duqii hore ee Gaalkacyo, oo ay ku sugnaayeen xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali.

Hal askari ayaa ku dhintay weerarkaasi, waxaana ku dhaawacmay saddex kale oo ay ku jiraan Taliye Kuxigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Cabdisaciid Xuseen Jaamac iyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad.

Qoraalka Madaxweyne Kuxigeenka ayaa u qornaa:-

Waxaan ka tacsiyaynayaa shaqaadada ka dhacday caawa Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Gaalkacyo, waxaan Eebe Janatul Fardowsa u waydiinayaa askarigii ku nafwaayey, inta ku dhaawacantayna waxaan u rajaynayaa in Eebbe u booga-dhayo oo uu ugu horeeyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Taliye Kuxigeenka Qaybta Gobolka Mudug.

Waxaan aad uga xumahay dhacdadan liddiga ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka iyo kan degmada, sababtayna dhaawaca iyo dhimashada muwaadiniin reer Puntland ah.

Waxaan u magacabayaa guddi ka hawlgasha baarista iyo u kuurgalidda shaqaaqadaas.

Baaris ka dib, cid kasta oo falkaas ku lug yeelata waxaa laga qaadi doonnaa tallaabo sharciga waafaqsan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com